Sunday, June 24, 2012

Canada oo Muwaadiniinteeda ugu digtay Kenya

Ottawa June 24, 2012(SDN)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Canada ayaa ugu digtay Muwaadiniinteeda inay dalxiis u aadaan dalka Kenya gaar ahaan Magaalooyinka waa wayn ee dalkaasi.

Xukuumadda Canada ayaa shaacisay in lagama maarmaan ay tahay inay foojignaadaan Muwaadiniinteeda islamarkaana aysan si xor ah u marin Magaalooyinka waa wayn ee dalkaasi oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan weeraro aargigixiso.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaadday inay loo baahan yahay in Muwaadiniinta Canada ay ka baaqsadaan safarka dalka Kenya, iyadoo dhinaca kale Muwaadiniinta kale ee ku sugan Magaalada Mombasa ee Kenya ay ugu baaqday inay ka taxadaraan meelaha ay ku sugan yihiin.

Warkaani ayaa daba socda war shalay kasoo baxay Safaaradda dowladda Maraykanka uu ku leeydahay dalkaaai kaasi oo loogu digay Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkaasi inay ka foojignaadaan falal ammaan darri oo ka dhaca dalkaasi.

Magaalada Nairobi iyo Mombasa oo hadda si wayn loo hadal haayo ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro aargigixiso ah oo aan la aqoon cidda ka dambeysa, hase ahaatee Saraakiisha Kenya ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Kooxo aargigixiso ah.

SDN-Ottawa

Contact@somalidiasporanews.com

bjork national signing day 2012 landon collins dorial green beckham mike kelly kristen bell colbert super pac

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.